Dhallinyaro, noloshu waxay leedahay xeerar, kuwaas oo haddii xuduuddeeda lagala baxo xanuunkeeda lala kulmayo. Wax-walba waxay ku haboon yihiin in hal-beeg iyo xad-dhexaad lagu haayo. In qofku isku-kalsoonaado waa arin wanaagsan oo la mahadiyo. Laakiin kalsoonida dheeriga ah waa cadowga ugu xun ee haadaamaha ka rida qofka aanan naftiisa xakamayn. Kalsooni miisaaman ku kalsoonaada nafsaddiina, idinka oo ogsoon in hadalka dadku uusan dhamaaneyn. In aydnaadan dadka iska-weyneenna ogaada in ay tahay darajada ugu sareysa ee isku-kalsoonaanta. Idinka oo aanan wax qaniini karinna ilkihiina ha muujinina. Goorta aad arimaha u aragtaan kuwo adag laakiin suuragal ah, ogaada inaad tihiin kuwo nafsaddooda ku kalsoon. Laakiin goorta aad arimaha u aragtaan suuragal ah laakiin adag, ogaada inaad tihiin kuwo aanan nafsaddooda ku kalsooneyn. Idinka oo kalsoonidiina kaashanaya, ha noqonina weligiin kuwo ka da’weynaada in ay xaqiijiyaan hadaf cusub. Hana suginina xaaladda bilowga ah ee hagaagsan, bal...