Dhaqanka: waa falal la caadeysto. Hiddaha: waa falkii oo caadi noqey. Dhaqanka: wuxuu dalbayaa ogaansho. Hiddaha: wuxuu dalbayaa aaminaad. Dhaqanka: ku deyasho ayaa lagu qaataa. Hiddaha: qoraallo ayaa laga qaataa. Dhaqanka: wuxuu isla-beddelaa waayaha. Hiddaha: wuxuu ku xoogeystaa waayaha. Dhaqanka: waxaa hirgeliya xeerka bulshada. Hiddaha: waxaa hirgeliya caqiidada bulshada. Dhaqanka: wuxuu u janjeeraa rabitaanka qofka. Hiddaha: wuxuu u janjeeraa qiimeynta qofka. Dhaqanka: dhaqan dhamaantiis maahan hiddo. Hiddaha: hiddo dhamaantiis waa dhaqan. Dhaqanka: waxay noqon karaan arimo cusub. Hiddaha: waxay yihiin arimo layska soo dhaxlay. Dhaqanka: waa xididka uu ka talaalmo Hiddaha. Hiddaha: waa geedka ka dhasho tallaalka Dhaqanka. Dhaqanka: waa arin u gaar ah qof, qoys ama bulsho tiro yar. Hiddaha: waa arin u gaar dad aad u tira-badan. Dhaqanka: haddey togan tahay si fudud ayaa loo sixi-karaa. Hiddaha: haddey togan tahay waa adag tahay in la saxo. Dhaqanka: jaadka waa dhaqan leynagu y...