Dhaqanka: waa falal la caadeysto.
Hiddaha: waa falkii oo caadi noqey.
Dhaqanka: wuxuu dalbayaa ogaansho.
Hiddaha: wuxuu dalbayaa aaminaad.
Dhaqanka: ku deyasho ayaa lagu qaataa.
Hiddaha: qoraallo ayaa laga qaataa.
Dhaqanka: wuxuu isla-beddelaa waayaha.
Hiddaha: wuxuu ku xoogeystaa waayaha.
Dhaqanka: waxaa hirgeliya xeerka bulshada.
Hiddaha: waxaa hirgeliya caqiidada bulshada.
Dhaqanka: wuxuu u janjeeraa rabitaanka qofka.
Hiddaha: wuxuu u janjeeraa qiimeynta qofka.
Dhaqanka: dhaqan dhamaantiis maahan hiddo.
Hiddaha: hiddo dhamaantiis waa dhaqan.
Dhaqanka: waxay noqon karaan arimo cusub.
Hiddaha: waxay yihiin arimo layska soo dhaxlay.
Dhaqanka: waa xididka uu ka talaalmo Hiddaha.
Hiddaha: waa geedka ka dhasho tallaalka Dhaqanka.
Dhaqanka: waa arin u gaar ah qof, qoys ama bulsho tiro yar.
Hiddaha: waa arin u gaar dad aad u tira-badan.
Dhaqanka: haddey togan tahay si fudud ayaa loo sixi-karaa.
Hiddaha: haddey togan tahay waa adag tahay in la saxo.
Dhaqanka: jaadka waa dhaqan leynagu yaqaan.
Hiddaha: cabitaanka caanaha geela waa hiddo aanu leenahay.
Dhaqanka: waa wax loo arkay in ay nolosha muhim u tahay.
Hiddaha: waa wax la aqbalay xataa haddii aadan marag u hayn.
Dhaqanka: waa xiriir ka dhexeeya qofka iyo dadka uu la nool-yahay.
Hiddaha: waa xiriir ka dhexeeya qofka iyo cimilada uu ku nool-yahay.
Dhaqanka: sida qaalibka ah wuxuu xiriir la leeyahay nolol-maalmeedka.
Hiddaha: sida qaalibka ah wuxuu xiriir la leeyahay diinta.
Dhaqanka: wuxuu ka dhashaa hawlo ay koox la timaado oo soo galooti ah.
Hiddaha: waxay ka dhalataa hawlo ururey oo sawir qura sameeyey.
Dhaqanka: waa falal si joogto ah ay ugu kacaan bulsho degaan-wadaag ah.
Hiddaha: waa arrimo caqiidada la xiriirta oo faco dadka ah ay isu gudbiyaan.
Dhaqanka: waxaa u tusaale ah kala doorashada fuleynimada iyo geesinimada.
Hiddaha: waxaa u tusaale ah kala doorashada beenta iyo runta.
Dhaqanka: si loo adeegsado kaagama baahana tamar gaar ah oo aad ku bixiso.
Hiddaha: si loo adeegsado waxaad u baahan tahay tamar gaar ah oo aad ku bixiso.
Qore: Dr. Saadiq Dr. Sadiq
Comments
Post a Comment