Skip to main content

FARQIGA U DHEXEEYA DHAQANKA IYO HIDDAHA


Dhaqanka: waa falal la caadeysto.

Hiddaha: waa falkii oo caadi noqey.


Dhaqanka: wuxuu dalbayaa ogaansho.

Hiddaha: wuxuu dalbayaa aaminaad.


Dhaqanka: ku deyasho ayaa lagu qaataa.

Hiddaha: qoraallo ayaa laga qaataa.


Dhaqanka: wuxuu isla-beddelaa waayaha.

Hiddaha: wuxuu ku xoogeystaa waayaha.


Dhaqanka: waxaa hirgeliya xeerka bulshada.

Hiddaha: waxaa hirgeliya caqiidada bulshada.


Dhaqanka: wuxuu u janjeeraa rabitaanka qofka.

Hiddaha: wuxuu u janjeeraa qiimeynta qofka.


Dhaqanka: dhaqan dhamaantiis maahan hiddo.

Hiddaha: hiddo dhamaantiis waa dhaqan.


Dhaqanka: waxay noqon karaan arimo cusub.

Hiddaha: waxay yihiin arimo layska soo dhaxlay. 


Dhaqanka: waa xididka uu ka talaalmo Hiddaha.

Hiddaha: waa geedka ka dhasho tallaalka Dhaqanka.


Dhaqanka: waa arin u gaar ah qof, qoys ama bulsho tiro yar.

Hiddaha: waa arin u gaar dad aad u tira-badan.


Dhaqanka: haddey togan tahay si fudud ayaa loo sixi-karaa.

Hiddaha: haddey togan tahay waa adag tahay in la saxo.


Dhaqanka: jaadka waa dhaqan leynagu yaqaan.

Hiddaha: cabitaanka caanaha geela waa hiddo aanu leenahay.


Dhaqanka: waa wax loo arkay in ay nolosha muhim u tahay.

Hiddaha: waa wax la aqbalay xataa haddii aadan marag u hayn.


Dhaqanka: waa xiriir ka dhexeeya qofka iyo dadka uu la nool-yahay.

Hiddaha: waa xiriir ka dhexeeya qofka iyo cimilada uu ku nool-yahay.


Dhaqanka: sida qaalibka ah wuxuu xiriir la leeyahay nolol-maalmeedka.

Hiddaha: sida qaalibka ah wuxuu xiriir la leeyahay diinta.


Dhaqanka: wuxuu ka dhashaa hawlo ay koox la timaado oo soo galooti ah.

Hiddaha: waxay ka dhalataa hawlo ururey oo sawir qura sameeyey.


Dhaqanka: waa falal si joogto ah ay ugu kacaan bulsho degaan-wadaag ah.

Hiddaha: waa arrimo caqiidada la xiriirta oo faco dadka ah ay isu gudbiyaan.


Dhaqanka: waxaa u tusaale ah kala doorashada fuleynimada iyo geesinimada.

Hiddaha: waxaa u tusaale ah kala doorashada beenta iyo runta.


Dhaqanka: si loo adeegsado kaagama baahana tamar gaar ah oo aad ku bixiso.

Hiddaha: si loo adeegsado waxaad u baahan tahay tamar gaar ah oo aad ku bixiso.


Qore: Dr. Saadiq Dr. Sadiq

Comments

Popular posts from this blog

Caqliga iyo Jaceylka

 Caqliga iyo jacaylku waxay ka samaysan yihiin laba walxood oo kala duwan.  Caqligu wuxuu dadka ku xidhaa guntin, waxbana khatar ma gelin, laakiin jacaylku wuxuu baabi'iyaa kharribannada oo dhan oo wax walba khatar buu geliyaa.  Caqligu had iyo jeer waa taxaddar oo ku taliyaa, "Iska jir farxad badan," halka jacaylku leeyahay, "Ah ha ka welwelin. Qaado!”  Caqligu si sahal ah uma burburo, halka jacaylku dadaal la'aan isu dhimi karo burburka. Laakiinse khasnado baa ku qarsoon burburka. Qalbi jaban wuxuu qariyaa maalka.

Wa Maxay Jaceylku ?

 Jacaylku waa go'aan, waa xukun, waa ballan. Haddii jacaylku ahaan lahaa kaliya dareen, ma jiraan wax sal ah oo ballan ah in la is jeclaado weligeed.  Dareen ayaa yimaada waana laga yaabaa inuu tago. Sideen u xukumi karaa in ay weligeed sii jiri doonto, marka falkaygu aanu ku lug lahayn xukun iyo go'aan.

Ibn Khaldun: Insights on History, Society, and Humanity

 Introduction: Ibn Khaldun, a renowned 14th-century scholar, offered profound insights into the nature of history, society, and the human experience. His seminal work, the "Muqaddimah" (Introduction to History), laid the foundation for many fields of study, including sociology, economics, and historiography. In this blog, we delve into some of the key lessons from Ibn Khaldun's introduction, exploring concepts such as the cyclical nature of history, the influence of environment on societies, the importance of social cohesion, his revolutionary historical methodology, and the relevance of his ideas to contemporary issues. Ibn Khaldun's teachings continue to resonate today, offering valuable perspectives on the past and present, and inspiring new ways of thinking about our world. 1. Cyclical Nature of History: Ibn Khaldun's concept of history as cyclical offers a profound perspective on the patterns of human civilization. By understanding the stages of growth, peak,...