Dhallinyaro, noloshu waxay leedahay xeerar, kuwaas oo haddii xuduuddeeda lagala baxo xanuunkeeda lala kulmayo. Wax-walba waxay ku haboon yihiin in hal-beeg iyo xad-dhexaad lagu haayo. In qofku isku-kalsoonaado waa arin wanaagsan oo la mahadiyo. Laakiin kalsoonida dheeriga ah waa cadowga ugu xun ee haadaamaha ka rida qofka aanan naftiisa xakamayn. Kalsooni miisaaman ku kalsoonaada nafsaddiina, idinka oo ogsoon in hadalka dadku uusan dhamaaneyn. In aydnaadan dadka iska-weyneenna ogaada in ay tahay darajada ugu sareysa ee isku-kalsoonaanta. Idinka oo aanan wax qaniini karinna ilkihiina ha muujinina.
Goorta aad arimaha u aragtaan kuwo adag laakiin suuragal ah, ogaada inaad tihiin kuwo nafsaddooda ku kalsoon. Laakiin goorta aad arimaha u aragtaan suuragal ah laakiin adag, ogaada inaad tihiin kuwo aanan nafsaddooda ku kalsooneyn. Idinka oo kalsoonidiina kaashanaya, ha noqonina weligiin kuwo ka da’weynaada in ay xaqiijiyaan hadaf cusub. Hana suginina xaaladda bilowga ah ee hagaagsan, bal idinku noqda hagaaggii bilowga ahaa ee xaaladda. Waxaad ogaan-doontaan Xilli idin soo-mara oo aad mahadisaan in uu yahay midka aad ku go’aan-gaartaan xal u-raadinta mushkiladihiina gaarka ah, idinka oo aanan cid kale eedeynin. Goortaasi waa mrka aad garataan in masiirkiinu ayan cid kale gacanta ugu jirin, bal uu gacmihiina ku jiro.
Ma-jirto guuldarri mudan in lala murugoodo. U-daaya murugada kuwa wax ma-kastada ah ee aanan caqliga lagu-arag. Ku qanca, darajooyinka sare ee guusha in ay gaaraan kuwa soo maray darajooyinka sare ee guul-darrida. Waayo kuwa aaminsan in ay awoodaan ayaa weligood awooda. Gooreysadu waxay qofka ka dhigtaa shakhsi ama hoggaamiya bulshadiisa ama cusleeya bulshadiisa. Haddaba kala doorta gooraysadiinu midabka ay idiin yeeli lahayd. Dadku waxay maqlaan wixii ay jecel-yihiin in ay maqlaan, sidaa darteed halgankiina cidna howga cudur-daaranina. Waa arin adag in aad illowdaan mixnooyinkii tagtada, waxaa kale oo adag inaad culaabteeda xambaarsataan. Arinta haboon oo aad ku guuleysan kartaan waxay tahay in mixnadahaas aad halkooda uga tagtaan oo aad horey u socotaan, idinka oo weliba deg-degaya. Hana u oggolaanina in tagtadu ay lugaha idin-ka dabarto si aad uga hadhaan gaariga idin-gaarsiinaya timaaddada.
Si-kasta oo shalay aad ula kulanteen falal xun, u-daaya tagtadu ha la tagtee, idinka oo ku qanacsan il-biriqsi walba oo idin maraya in uu idiin-yahay bilow cusub. Kuna kalsoonaada in tagtadiina iyo timaadadiinu ay kala qiimi badan yihiin. Marna ha raja-dhiginina, maxaa-yeeley waxaa marar badan dhacda in guushu ay idin-ka soo daahdo. Rajadu markii ay dhulka ku dhacdo waxay u kala jajabtaa sidii dhaladii oo kale. Goorta aad la kulantaan xaalad middaas lamid ah, isku-deya in hal jab oo dhalo ah aad ka qaadataan oo bilow wanaagsan ay idiin noqoto. Dhamaad walba ha idiin kaga dhex-muuqdo bilow cusub. Idinka oo dhowraya anshaxa wanaagsan ee dad-ahaaneed dhegeysta dadku waxay leeyihiin, laakiin idinka oo dhowraya madax-bannaanidiina dad-ahaaneed, ha rumeysanina qof walba oo wax sheegaya.
Qof idin-ka qaadi kara ma jiro hanti uu eebbe idin-siiyey, sidaa darteed qofna ha u oggolaanina in uu xoriyaddiina ku cayaaro. Ogaada ma tihidin kuwo awooda in dadka oo dhan aad ka yeeshaan kuwo raali idin-ka ah, laakiin waxaad awooddaan in aydnaadan qofna dhibaato u geysan. Noloshana ha idiin-kugu muuqato in ay lamid tahay sidii isbitaal laba albaab leh oo aad laba cisho booqateen. Maalinna albaabka hore ayaa waxaad kala soo baxdeen caruur idiin dhalatay oo aad soo xambaarateen si aad u korisaan. Maalinna albaabka danbe ayaa waxaad kala soo baxdeen meydkii aabayaashiin oo aad soo xambaarateen si aad u aastaan.
In aad tihiin kuwo xaq ku taagan, maahan arin y ka ratibmeyso in codkiinu uu yahay midka sareeya. Laakiin waxaad cod sare heysaan goorta aad ogaataan inaad tihiin kuwo maanta ka qiimi badan xaaladda tagtadiinii, berina ka qiimi ka qiimi yar xaaladda timaatadiina. Dadka qaarkood waxay sameeyaan lacago bug ah, halka lacagta qaarkeed ay samayso dad bug ah. Labadaas qolo ayaa waxay la dhaqan yihiin biyaha dareera oo ku hoobanaya meelba meeshii ay ka hooseyso illaa ay salka u hoobtaan. Ogaada qurux ay anshax-xumi weheliso in ay tahay fool-xumo middeeda ugu fool-xun. Fool-xumo uu nshax-wanaag la socodona in uu yahay qurux midkiisa ugu qurxoon. Iimaan yeesha oo eebbihiin ku kalsoonaada. Noqda geesiyaal oo awoowayaashiin ku deyda. Horey u socda idinka oo gacmaha is-heyta.
Qore: Dr. Saadiq Enow
Mashaa Allah Dr Sadiq enow
ReplyDelete